We kindly inform that your browser is no longer supported by Microsoft and poses a security risk.

Please switch to current Microsoft Edge, Firefox or Chrome.

Soomaali

YPY – Mashruuca Wada shaqayntu waxay keentaa bulsho wanaagsan (Yhteistyöllä parempi yhteisö) waxa loogu talo galay in lagu horumariyo dadka soo galeetiga ah ee lixaad la’aanta ah in loo suuro galiyo inay ka qaybqaataan mushtamaca ay ku noolyihiin.

Hagitaan iyo la talin

Waxan bixinaa hagitaan iyo la talin ku saabsan adeegyada loogu talo galay dadka soo galeetiga ah ee lixaad la’aanta ah iyo qaraabadooda. La talinta waxa lagu heli karaa wakhti xaadirkan af finish, af soomali iyo af ingiriis. Waxad nagala soo xidhiidhi kartaa taleefanka, e-mailka ama waxad noo iman kartaa wakhtiga la talinta an bixino.

Ogeysiin! Inta u dhexysa 30.11. – 1.3.2021 qaabilaadaha waa in aad naga qabsataa ballan, adigoo soo wacaaya nambarkan 050 544 2577.

Talosiinta telefoonada

Waxaan ka jawaabeynaa su’aalihiinna isniin illaa jimce saacadda 10-15 nambarkan 050 544 2577.

Nagula kulan Espoo

Talaado walba saacadda 10-16 Esma ry xaruntooda, Läkkisepänkuja 3, dabaqa labaad, 02600 Espoo.

Arbaca walba saacadda 10-16 Suomi-Syyria Ystävyysseuran xaruntooda, Kutojantie 3, dabaqa shanaad, 02360, Espoo.

Nagula kulan Vantaa

Khamiis walba saacadda 10-12 Xafiiska kulanka furan ee Koivukylä, Karsikkokuja 17, dabaqa hoose, 01360 Vantaa.

Nagula kula Helsinki

Jimce walba saacadda 10-16 Masaajidka Malmi, Malminkaari 5b, 00700 Helsinki.

Waqti naga qabso

Noo soo dir e-mail info@yhteistyolla.fi ama naga soo wac 050 544 2577.

Toobabarada iyo dhacdooyinka

Waxan bixinaa toobabaro ku saabsan xuquuqda iyo ka qaybqaadashada dadka lixaadka la’ oo ku socda dadka matala jaaliyadaha iyo ururada kala duwan. Waxan sidoo kale ku hagaynaa dadka lixaadka la’ ee waxqabadka leh baahiyada gaarka ah ee ay leeyihiin dadka lixaadka la’ ee soo galeetiga ah.Waxan sidoo kale qabanaa dhacdooyin ay ururada iyo shaqsiyaadka kala duwan ee wax ka qabta arrimahan ay ku kulmi karaan si ay iskugu bartaan oo ay u helaan macluumaad dheeri ah oo mowduucan ku saabsan. Haddii ad rabto in aad macluumaad dheeri ah hesho waad nala soo xidhiidhi kartaa.

Materiaalka/Macluumaadka

Waxan soo saarnaa oo an turjunnaa macluumaad kala duwan oo an ugu talo galnay shaqaalaha xirfadaha leh iyo macaamiishayada. Halkan ayaad ka heli kartaa.

Nala soo xidhiidh

info@yhteistyolla.fi / 050 544 2577

Goobta furan ee kulanka ee Koivukylä, Karsikkokuja 17, 01360 Vantaa